1) Faraaciinta magacee ayey u yaqaaneen dalka Soomaaliya? a) dalkii quruxda badnaa b) Dalkii laga tagay c) dhulkii dadka madoow d) Dhulkii Punt e) Dalkii marti soorka f) Dhulka geeska Afrika 2) Markii Yurub sanadkii 1884 ay qeybsanayeen Afrika, dalalkee qeybta u helay Soomaaliya? a) Bortuqiis, isbaanya iyo Biljim b) Ingiriiska, Jarmalka iyo USA c) Talnaaniga, Ingiriiska iyo Faransiiska d) Holland, Jarmalka iyo Talyaaniga e) Ingiriiska, Faransiisla iyo Itoobiya f) Lama qabsan Soomaaliya 3) Roomaanka magacee ayey Soomaaliya u yaqaaneen? a) Dhulkii Dadka dhuudhuuban b) dhulkii muslimiinta madow c) Dhulkii udgoonaa d) dhulkii mooska e) dhulkii geelka badnaa f) dhulkii Al-xabasha 4) Isticmaarka ingiriiska dhankee ayuu Soomaaliya ka gumeystay? a) Goboladda waqooyi ee Soomaaliya b) Koonfurta Soomaaliya c) Galbeedka Soomaaliya (dhanka Itoobiya) d) Dhulka oo dhan e) koonfur-galbeed Soomaaliya ( N.F.D. ) f) Jawaabaha b iyo d 5) Sannadkii 1950 maxaa dhacay ee Soomaaliya la xiriira a) Soomaaliya ayaa xornimo qaadatay b) Waxaa bilaawday xornimo doon c) Qaramada midoobay ayaa 10 sano kale soomaaliya in la sii xukumo d) Waxaa is raacay Soomaalida e) Roobab badan ayaa soomaaliya ka da´ay f) Abaar ayaa ka dhacday Soomaaliya 6) Maxaa dhacay Sannadkii 1954 ee Soomaaliya ku saabsan a) Talyaaniga ayaa Soomaaliya ka caray b) Faransiiska ayaa qabsaday Jabuuti c) Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dagaalay d) Ingiriiska ayaa galbeedka Soomaaliya ku wareejiyeyItoobiya, e) Ingiriiska ayaa ka baxay Soomaaliya f) Soomaaliya ayaa xornimo qaadatay 7) Maxaa dhacay Sannadkii 1963 ee Soomaaliya ku saabsan a) Ingiriiska Iskuulo ayuu Soomaaliya ka furay b) Ingiriiska ayaa Koonfur-galbeed soomaaliya ku wareejiyey Kenya c) Ingiriiska ayaa Jaamacado ka furay Soomaaliya d) Boqoradda Ingiriiska ayaa timid Soomaaliya 8) Sanadkee ayuu isticmaarka ingiriiska qabsaday waqooyiga Soomaaliya? a) intii u dhaxeysay 1900-1920 b) intii u dhaxaysay 1990-2000 c) intii u dhaxeysay 1884-1886 d) intii u dhaxeysay 1800-1810 e) Maba qabsan ingiriiska Soomaaliya f) ka hor 1980 9) Sanadkee ayuu isticmaarka Talyaaniga qabsaday koonfurta Soomaaliya? a) Sanadkii 1940 b) Sanadk1969 c) ka dib dhalashadii Nabi Ciise d) Sanadkii 1889 e) Ka hor dhalashadii Nabi Ciise f) Ka hor imaatinkii Islaamka 10) Sanadkee ayuu isticmaarka Faransiiska qabsaday Jabuuti? a) sanadkii 1990 kii b) sanadkii 1862 kii c) sanadkii 1887 kii 11) Sheeg dalalka ay soomaalida la lahaayeen xiriirka gamacsiga waagii hore a) Jasiiradda carabta b) Shiinaha c) Hindiya d) Siirelanka e) Bariga iyo koonfur Afrika f) Jawaabaha oo dhan waa qalad 12) Maxay Faraaciintu ka qaadan jireen Dalka Soomaaliya a) Bariis, baasto iyo hilib b) Mooska, cambaha iyo yaanyada c) Xoolaha nool d) Macdenta e) Beeyada, baalasha gorayada iyo hargaha f) Bir iyo maar 13) Waqooyiga iyo koonfurta soomaaliya goorma ay ku dhawaaqeen in ay isku darsameen a) 26.06.1960 b) 01.08.1961 c) Jawaabaha oo dhan waa sax d) 01.01.1961 e) 01.07.1960 f) 21.10.1969 14) Koonfurta soomaaliya sanadkee ayey xornimada qaateen? a) 01.01.1990 b) 26.06.1960 c) 12.12.1950 d) 01.07.1960 e) 21.10.1969 f) kulli waa qalad 15) Maxay aheyd ulajeedada uu isticmaarka u soo galay dalka Soomaaliya? a) In ay kheyraadka dalka qaataan b) In ay cudurada ka daweeyaan c) In soomaalida ciidan lagu adeegto laga dhigto d) In ay soomaalida ka caawiyaan waxbarashada e) in soomaaliya kirishtaan laga dhigo f) Inay fasax u yimaadaan waqtiyada qobobaha dalkooda 16) Sheeg maalinta qaranimadda dalka Soomaaliya (Somalias nationaldag) a) 01.01.1961 b) 01.06,1991 c) 01.02.1970 d) 01.07.1980 e) 01.05.1960 f) 01.07.1960 17) Maxaa Soomaaliya ka dhacay sanadkii 21 oktoober 1969 a) Soomaaliya waxay noqotay xor b) Waxaa bilaawday dagaalka sokeeye(inbördeskriget) c) Waxaa dalka qabsaday mileteriga (Statskupp) d) Dagaal Itoobiya iyo Soomaaliya e) Biyo la´aan ayaa dalka ka dhacay 18) Yaa ku wareejiyey Itoobiya iyo Kenya dhulalka Soomaalida ay heysato ilaa iyo hadda a) Isticmaarka Faransiiska b) Isticmaarka Bortuqiiska c) Isticmaarka Isbaanya d) Isticmaarka Ingiriiska e) Istcmaarka Biljimka f) Isticmaarka Jarmalka 19) Muxuu ahaa ururka S.Y.L a) Waa ururka xornimada Soomaaliya keenay b) Waa urur isticmaarka la shaqeenayey c) waa urur 13 dhalinyaro ah aasaaseen d) Waa ururka Dhalinyarada soomaaliyeed e) waa ururka la asaasay 1943 20) Sanadkee ayey waqooyiga Soomaaliya xornimada ka qaadatay isticmaarka Ingiriiska? a) 01.06.1962 b) 26.06.1960 c) 01.07.1960 21) Sheeg magac madax weynihii ugu horeeyey dalka Soomaaliya? a) Xasan Sheekh Maxamed b) Maxamed Siyaad Barre c) Cabdirashiid Cali Sharmaarke d) Sheikh Cabdi Cabdullaahi e) Aaden Cabdulle Cusmaan f) Maxamed CAbdullaahi Farmaajo 22) Laba qaybood oo Soomaaliya ka tirsan ayaa weli ku jira gacanta dalal kale. Waa kuwee? a) Kismaayo iyo Bakool b) Goboladda Koonfur-Galbeed Soomaaliya c) Sylac iyo Boorama d) Marka iyo Baraawe e) Gobolada Galbeedka Soomaaliya f) Soomaali dalkooda way heystaa, wax ka maqn ma jiro 23) Sheeg magaca ninkii 20ka sano la dagaallamay isticmaarka Ingiriiska? a) Axmed Gurey b) Maxamed Siyaad Barre c) Maxamed Cabdulle Xasan d) Maxamed Cali Samatar e) Aaden Cabdulle Cusmaan f) Sh. Yuusuf Al-Kowneyn 24) Sheeg wadamada Yurub ee Soomaaliya Gumeystay a) Jarmal, Ruush iyo Itaaliya b) Ingiriiska, Biljim iyo Holland c) Faransiis, Isbaanya iyo Jarmalka d) Talyaaniga, Faransiiska iyo Ingiriiska e) Holland, Biljim iyo Isbaanya 25) Dalka Jabuuti sanadkee ayuu xornimada ka qaatay Faransiiska? a) 27.06.1977 b) 01.01.1960 c) 26.06.1971 d) weli xor ma aha e) 01.01.1990 f) 01.07.1960

Top-lista

Vizualni stil

Postavke

Promijeni predložak

Vrati automatski spremljeno: ?